Muqdisho-Ayaamaha-Ciidanka nabad sugida ee Madaxtooyada Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay 4-ruux oo lagu eedeeyay iney ka tirsan Al-Shabaab,kuwaasi oo qaabilsanaa Madax Jabiska (Amniyaad).

Illo wareedyo lagu kalsoon karo oo ka tirsan Nabad sugida Soomaaliya ayaa si hoose inoogu sheegay in Ciidanka amniga Madaxtooyada Soomaaliya gacanta ay ku dhigeen 4-ruux oo dhalinyaro ah kuwaas oo lala qabtay afar baskoolad oo ay qarsanayeen.

Dhalinyaradan ayaa lagu qabtay Bar-Konatarool oo laga ilaaliyo Madaxtooyada,kaasi oo ku yaalo Isgoyska Ceel-gaabta demada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir halkaasi oo askar ay ka shakisay ay ku qabteen.

Lama oga ujeedka dhalinyaradan hubeysnaa,balse warar hoose oo aan Hay’adaha Sirdoonka ka helnay ayaa sheegaya iney qorsheynayeen dilka mid ka mid ah Mas’uuliyiinta ugu sareysa dalka.

” Afar dhalinyaro oo dhaadheer ayay ahaayeen,waxayna ku hubeysnaayeen baskoolado,mana jirin bartilmaameed rasmi ah looga shakin karo,balse meesha lagu qabtay ayaa ahayd goob aad loo ilaaiyo oo Madaxda qaranka ugu sareyso ay ku nool yihiin,” ayuu yiri mid ka mid ah mas’uuliyiinta Hay’adada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka.

Madaxtooyada Soomaaliya iyo deegaanada ku xeeran ayaa si weyn loo ilaaliyaa waxaana marar badan weerar qorsheysan ku soo qaaday Ururka Al-Shabaab oo markii ugu darneyd ay ahayd Al-Shababa oo boqol tallaabo u jirsaday Xafiiska uu madaxweynaha ku dhex leeyahay Madaxtooyada Soomaaliya (Villa Soomaaliya)