Muqdisho-Ayaamaha-Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya inay ka socoto qaban qaabada soo dhoweynta wafuud dheeraad ah oo ka qeyb galeysa caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland, kuwaasoo maanta ku sii jeeda Kismaayo.

Wufuudaan aya a la filayaa inay ka kala tagaan Magaalooyinka Muqdisho,Garoowe iyo Nairobi,waxana ku jira Siyaasiyiin magac ku leh Soomaaliya xilal kala duwana kasoo qabtay dowladihii dalka soo maray.

Magalada Kismaayo ayaa waxaa hataan laga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta wufuuda kala duwan ee manta tegaya,, iyada oo amniga Guud ee Magalada Kismaayo aad loo adkeeyay,isla markaana lagu arkayo Ciidamada Jubbaland oo amaanka xaqiijinaya.

Maamulka Jubbaland ayaa diyaar garowgii ugu dambeeyay ugu jira qabsoomida Xaflada caleema saarka ee Axmed Madoobe, iyadoo la diyaariyay diyaarado lagu soo qaadayo wafuuda imaaneysa.

Lama oga sida ay ku suurta geli karto wafuuda ka imaan doonta Muqdisho sida ay ku tagi karaan Kismaayo, maadaama horay diyaaradaha rayidka ee aadaya Kismaayo lagu amray in aanay qaadi karin siyaasiyiinta.

Dowladda Soomaaliya oo aan xilligaan la dhacsaneyn waxa ka socda Magalada Kismaayo ayaana ilaa iyo hadda ka hadlin diyaarada katimid Nairobi ee siyaasiyiinta ka dejisay Magalada Kismaayo.