Xubnaha Xildhibaanada aqalka sare ee kasoo jeeda deegaanada Hirshabeelle ayaa ka hadlay walaaca maamulkaasi ka qabo in seddex saldhig oo ciidamada Burundi ku leeyihiin Hirshabeelle ka bixi doonaan.

Arrinta ayaa timid kadib markii codsi aqalka sare uu u gudbiyay wasiirka wasaarada amniga ee maamulka Hirshabeelle Mr Jeele oo kulan gaar ahaa la qaatay xubnaha aqalka sare.

Senetor Macow oo kamid ah xubnaha Hirshabeelle ku matala aqalka sare ayaa sheegay inay arkeen cabashada ay qabaan maamulka Hirshabeelle, islamarkaana ay si gaar ah u eegi doonaan cabashadaasi go aana ay kasoo saari doonaan.

Senetor Macow ayaa sheegay in wali aan la gaarin waqtigii ciidamada xooga dalka la wareegi lahaayeen amaanka dalka Soomaaliya, Islamarkaana Hirshabeelle ku taalo goob muhiim ah oo isku xirta gobolada oo dhan.

”Wali lama gaarin xiligii Dowlada Amniga kala wareegi laheed AMISOM Aqalka Sare Go’aan ayuu ka qaadan doonaa Cabashada Hirshabeelle, waan aragnay cabashada ay qabaan, madaxweynaha iyo madaxda kale ayaan u gudbin doonaa, go’aan ayaana laga gaari doonaa”ayuu yiri Senator Macoow.

Madaxweyna maamulka hirshabeele Mr Waare oo dhawaan la kulmay madaxda ugu sareyso AMISOM ayaa sheegay in midowga Africa ay ku qancin waayeen in ciidamada Burundi ay sii joogaan Soomaaliya, maadaama ciidamada ugu badan ay kaga sugan yihiin Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed.