Afgooye-(Ayaamaha)-Wararka naga soo gaaraya Degaanka Buulo-Mareer ee Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in xalay Askeri ka ritsan ciidanka Dowladda uu ku  dilay Maxamed Ibraahim Abuukar oo ahaa wade Mooto bajaaj.

Qoyska marxuum ayaa sheegay in Askeriga uu wiilkooda ku dilay bar-koontorool oo ku taalla deegaanka Buulo-Mareer  uuna  u dilay Shan kun oo shilin Soomaali ah.

Wararka ayaa sidookale sheegaya in askerigii dilay Wiilkooda ay sheegeen inuu ubaxsaday dhanka degaanka Shalaanbood ayna doonayaan in loosoo qabto, Cadaaladana la horgeeyo.

dilalka loo geysto wadayaasha Mooto Bajaajta ayaa soo badatay mudooyinkii danbe mana jirto cid loo soo qabtay dilkooda.