Muqdisho-(Ayaamaha)-Sida uu xaqiijiyay Aabaha dhalay ilmaha yar ee la xaday Hooyada dhashay ilmaha ayaa seexatay, halka dadkii la joogay ay u baxeen Salaada Maqrib, shalay kadibna sidaasi lagu xaday ilmaha yar.

Ilmaha yar ayaa la dhalay Khamiistii la soo dhaafay sida uu u sheegay Aabe Mustaf Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho.

Aabe Mustaf ayaa sheegay isaga oo jooga gurigiisa in loo soo diray taleefoon, kadibna loo sheegay ilmihii yaraa ee uu dhalay in la waayay oo Isbitaalka lagu dhex xaday.

Waxa uu sheegay markiiba inuu soo cararay oo Isbitaalka uu yimid, balse uu garan waayay meel uu arrin ka bilaabo, dhaqaatiirta Isbitaalkana ay u jawaabi waayeen, maadaama shaqooyinkooda gaarka ah ku mashquulsanaayeen.

“Markii aan Xaafadda tagay oo cashada aan soo qaadi rabay, ayaa la isoo wacay waxaa la ii sheegay wiilkii in la qaatay waan soo cararay, Isbitaalka ayaan imid wax ku fiirinaayo & wax kuu jawaabaayo malahan, meelaha qaarna inaad gasho lama ogala, qolka dad badan ayaa joogay, laakiin gabar yar ayaa qolka dhex joogtay oo agteena joogtay dadkana waxa ay u maleynayeen inay anaga nala joogtay, wax rajo ah malihin waa qadar Alle, balse waxaan la yaabanahay dayaca Isbitaalka ku jira ee ilmo yar irida loogala baxay, waa Cunugii iigu horeeyay.” Ayuu yiri Aabe Mustaf.