Taliyaha Ciidanka Booliska General Bashiir Maxamed Cabdi “Ameerica” ayaa usoo tababar in kabadan 300 oo Askari kuwaas oo kamid noqonaya Ciidanka Booliska Soomaali.

Ciidankan ayaa lixdii bilood ee lasoo dhaafay Tababar uga socday Magaalada Garbaaharey ee Gobolka Gedo.

waxay amaanka Magaalada kala wareegi doonaan Ciidanka Milatariga kuwaas mudooyinkii dambe kasoo shaqeynayey gudaha Magaalada Garbahaarey.

waxaa magaalada Gabrbahaarey ee Gobolka Gedo soo gaaray Taliyaha Ciidanka Booliska iyo wafti uu hogaaminaayo shalay galinkii danbe soo gaarey .

Ciidanka ayaa loo dhameystray tababarada iyo Agabkooda Ciidan iyagoo sidoo kale heli doona xaquuqdooda Ciidanka.

Saraakiisha Malatriga oo ku sugan Garbahaarey ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin in Amaanka Degmada kala wareegaan Ciidanka Booliska kuwaas oo loo diraayey sidda ugu wanaagsan.