MUQDISHO-AYAAMAHA-Askar ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa saakay Xaafadda Siinaay ee magaalada Muqdisho  ku dilay  wiil dhalinyaro ah oo ku sugnaa suuqa siinay.

Marxuunka ladilay ayaa lagu magacaabi jiray  Maxamed Abuukar Tuuryare oo kamid ahaa dhalanyarada kunool Xaafada Siinay ee Degmada Warta Nabada.

Sida aan warkaan ku helnay Ciidamada ayaa la sheegay inay ka shakiyeen Maxamed Abuukar, waxaana dhexmaray Muran kooban inkasta oo aan la xaqiijin waxyaabaha uu salka ku hayay murankooda.

Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, iyadoona halkaasi ay ka qaadeen Maydka.

Wli ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Warta Nabada iyo Taliska booliska Somalia.