Beledweyne-Ayaamaha-Wararka naga soo gaaraya deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta barqadii kolonyo ka tirsan Ciidamada Jabuuti oo ka mid ah howlgalka AMISOM qarax lagula eegtay duleedka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Qarax oo ahaa mid xoogan, islamarkaana ahaa Miino ayaa waxa uu haleelay mid ka mid ah baabuurta dagaalka ee ay wateen ciidamadaasi.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaarxaas, iyaga oo sheegay in qaraxa qabsaday mid ka mid ah Gawaarida Ciidamada Jabuuti,isla markaana ay ku dhinteen shan Askari.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in meydadka iyo dhaawacyada askartaasi lagu soo qaaday diyaarad nooca Helicopter-ka ah, sida ay hadalka u dhigtay.

Saraakiisha Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Gobolka Hiiraan iyo maamulka gobolkaas ayaa wali ka hadlin qaraxa Ciidamada Jabuuti kolonyo ay la socdeen lagula eegtay inta u dhaxeysa degmooyinka Buulo burde iyo Jalalaqsi.

Al-Shabaab ayaa mudooyinkii dambe waxaa ay kordhisay weerarada qaraxyada ah ee ka dhanka ciidanka huwanta, iyadoo Sabtidii qarax ka dhacay duleedka degmada Balcad ay ku dishay in 12 ka tirsanaa Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, gaar ahaan kuwa dalka Burundi.