Wararka aan kahelayno Degmada Baardheere ayaa sheegaya in uga yaraan 8 askari ku geeriyootay ku dhawaadna 10 kale ya ku dhaawacmeen , kadib qaraxyo waa weyn oo saaka aroortii hore lala eegtay cutubyo ka tirsan ciidamada Itoobiya ee ku sugan degmada Baardheere.

Cutubyadan katirsan Ciidanka Itoobiya ayaa Miinooyinkan la kacday, xilli ay marayeen waddada Jayga ah ee gasha garoonka diyaaradaha ee magaalada Baardheere.

Waxaa la sheegayaa Xaaladda inay hadda dagantahay, iyadoona ciidamadu baaritaano ay ka bilaabeen halkaasi, inkastoo aan la ogeyn natiijada howlgalkaas ay sameynayaa ciidanka ay sameeyeen.

Ilaa hada ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxyadan, balse Al Shabaab ayaa inta badan weeraro xoogan ka fuliya gobolka Geedo.