Waajid-Ayaamaha-wararka inaga soo gaaraya Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degmadaasi.

Dagaalkaan oo ahaa mid qorsheysan oo Shabaab si toos ah u beegsadeen Saldhigan Ciidamada dowladda ay halkaasi ku leeyihiin, xilli ciidamada ay ku jireen xaalad deganaan ah.

Taliska Ciidamada Xoogga dalka ee Degmada Waajid ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarka kaga yimid Ururka Al Shabaab, islamarkaana uu jiro Khasaare ka dhashay dagaalkaasi oo labada dhinac soo kala gaaray.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Saddex Askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa ku dhintay dagaalkaasi, halka sidoo kalena ay jiraan khasaare soo gaaray Shabaabka, inkastoo aanan si dhab ah loo ogeyn inta uu la eeg yahay khasaaraha soo gaaray Shabaab.

Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa la sheegay in ku dhawaad saacad ay gacanta ku hayeen Saldhiga Ciidamada dowladda ee Degmada Waajid ee xalay weerarka uu ka dhacay, inkastoo ay isaga baxeen halkaasi.

Xaaladda Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, ayaa saaka waxa ay tahay mid degan, waxaana hawlgal roondo ah wada Ciidamada dowladda.