Askar loo heysto dilal ay geysteen oo Maxkamad lasoo taagay.

KISMAAYO-AYAAMAHA-Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Gobolka Gedo ayaa Maanta bilowday dhageysiga dacwada Askar ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka oo dil ka geystay degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.

Laba eedeysane oo lagu kala magacaabo Cabdiqadir Faarax Dhaqane iyo Maxamuud Xuseen Faarax ayaa lasoo taagay Maxkamadda Ciidamada, kuwaasi bilo kahor dilay Sadaam Diiriye Ibraahim iyo Mowliid Baashi Cumar oo ahaa wilal dhaliyaro.

Dhagaysiga Dacwada ayaa waxaa Goobjoog ah, Taliyaasha, Ciidamada Heer Dowlad Goboleed, Kuwa Gobolka Gedo, sida Booliska Nabad Sugida, Saraakiil kale,  Maamulka Gobolka Gedo, Qaar Ka Mid Ah, Ururada Bulshada, Ehelada labada Marxuum.

Xeer ilaalinta maxkamadda Ciidamada qalabka sida qeybta 27aad ayaa soo bandhigtay Cadaymo, isugu Jiray, Qoraal, Sawiro, iyo Qoryihii lagu Dilay Labada Marxuum.

Maxkamadda Ciidamada ayaa la filayaa inay go’aan kama dambeys ah ka gaarto dacwada laba Ninka oo lagu eedeeyay inay dileen bilo kahor Sadaam Diiriye Ibraahim iyo Mowliid Baashi Cumar oo kamid ahaa dadka deegaanka Balad-xaawo.