Muqdisho-Ayaamaha-Xasan Muuse Warsame iyo Xasan Xuseen Maxamed ayaa loo heystaa in ay si bareer ah  ugu fureen rasaas laba gabdhood oo wada saarnaa Bajaaj  mareysay bar kontorool oo ay  ku qornaayeen  07-da bishii  sagaalaad ee Sanadkan.

Xasan Muuse Warsame iyo Xasan Xuseen Maxamed ayaa ka wada tirsanaa ciidamada Boliiska, waxaana isla xilligii ay geysteen dhaawaca iyo dhimashada la wareegay hey’adaha  baarista.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa soo eedeeyay labada eedeysane baaritaan dheer kadib 16-ka bishii tegtay, waxa ayna Maxkamadda weydiisteen in la muddeeyo dacwad qaadista Xasan Xuseen Maxamed iyo Xasan Muuse Warsame oo  loo heysto dilka Marxuumada Istar Axmed Cabdulle iyo Dhaawaca Dhibane Faadumo Axmed Cabdulle oo ahaa walaalo marayay  agagaarka Isbitaalka  Masaarida ee degmada Hodan.

Xeer ilaaliya ku xigeenka Ciidamada Qalabka Sida Dhamme  Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa Maxkamadda u sheegay in labada eedeysane ay ku tala galeen dilka wadaha Mootada balse xabad uu riday Xasan Xuseen Maxamed xabad  uu riday ay sababtay geerida Marxuumad Istar Axmed Cabdulle, halka Xasan Muuse  Warsame uu  dhaawac u geysatay Faadumo Axmed Cabdulle.

Dable Boliis Xasan Xuseen Maxamed  ayay Maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta Marxuumad Istar Axmed Cabdulle halka  Dable Boliis Xasan Muuse  Warsame  ay Maxkamaddu ku xukuntay Shan Sano oo xabsi ciidan ah iyo  in uu bixiyo magta dhaawicii uu u geystay Faadumo Axmed Cabdulle sida uu  u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Xukunka waxaa ka furan Rafcaan ku siman Sodon Cisha xukunka kadib.