Magaalaga Moqdisho askari katirsan ciidanka dowlada Soomaaliya ayaa maanta deegaanka Siinka Dheer ku dilay nin shacab ah oo darawal ka ahaa gaadiidka Dadweynaha ee loo yaqaan Homy.

Wararka ayaa wuxuu sheegaya in askariga uu darawalka ku amray in uu bixiyo lacag dhan hal dollar, hasa ahaatee Darawalka Bl ka waday ayaa sheegay in uusan lacagtaasi awoodin, waxaana markaasi xigay xabad uu askariga ku furay Daraawalka.

Dad goobjoogal ah ayaa sheegay in askariga dilka geestay uu si caadi ah uga tagay goobta uu dilku ka geestay, waxaana meydka ninka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Candiqani AXmed Xaaji loo soo qaaday xarunta Dambi baarista magaalada Muqdisho.

Ciidamada amniga dowladda Soomaaliya ayaa mudooyinkan dambe kordhiyay dilalka iyo dhibaatooyinka kale ay u geesanayaan dadka shacabka ah, waxaana arimahan sabab looga dhigay ciidanka dowlada oo u badan kuwa aan nidaam sax ah lagu soo xulin .