Muqdiso-(Ayaamaha)-Askari katirsan ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa goordhaw Isgooska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho waxa uu ku dilay labo qof oo shacab ah oo la socday mooto Bajaaj.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in askari booliiska katirsan uu rasaas ku furay mooto bajaajta oo xiligaasi Isooska Howl Wadaag ku sugneyd, waxaana mooto ku geeriyooday labo ruux oo kala ahaa ninkii waday iyo nin kale oo la socday.

Ilaa iyo hada lama oga sababta askarigan katirsan ciidanka booliiska ee loogu tala galay in uu ka shaqeeyo sugida amaanka shacabka uu u dilay dadka shacabka aan waxbo galabsan, sidoo kale lama oga in askariga baxsaday iyo in kale.

Maalmihii dambe ayaa ciidamada dowlada ayaa waxaay dilal u geesanayee dadka shacabka ah ee ku sugan magaalada Muqdisho, mana jiro talaabooyin ay qaaday dowlada oo wax looga qabanayo dilalka ciidamada amaanka u geestaan dadka shacabka ah.