Muqdisho-Ayaamaha-Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa Isgoyska Howlwadaag ee Gobolka Banaadir ku dilay Darawal Mooto Bajaajle.

Goobjoogayaal ka agdhawaa halka uu dilka ka dhacay ayaa sheegay in dilka kahor uu muran kooban soo kala dhexgalay Darawalka iyo Askariga dowladda, hayeeshee markii dambe uu toogtay.

Wiilka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Yuusuf Axmed Cosoble, kaasi oo kamid dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta, waxaana halkaas durbo ka cararay Askarigii dilka gaystay.

Inta badan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa  ka dhaca dilalka loo geysto Darawada wada Mooto Bajaajta, kuwaasi oo inta badan ay u geystaan Askarta ka tirsan Ciidamada dowladda.