Muqdisho-Ayaamaha-Bar Koontorool oo Ciidamada Boolisku ay ku leeyihiin degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa Askari ka tirsan Booliiska Soomaaliya waxa uu ku rasaaseeyay Gaari siday Arday oo dhiganeysay mid kamid ah Iskuulada Magaalada Muqdisho.

Sedaxda Arday ee Askarigu uu dhaawaca ugeystay oo isla dhashay ayaa lagu kala magacaabaa, Sekariye Daahir, Hodan Daahir iyo Safiyo Daahir, waxeyna waxka baran jireen Iskuul lagu magacaabo Al-anwaar oo ay ka dhiganayeen fasalka 11aad ee Dugsiga Sare.

Askarigii dhaawacyada u geystay Ardaydaas  oo ka tirsanaa Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa la sheegay in uu iskaga baxsaday goobtii uu dilka ka geystay, oo aheyd bar Koontorool oo Ciidamada Booliiska ay ku leeyihiin degmada Wadajir.