MUQDISHO-AYAAAMAHA-Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda ayaa Magaalada Muqdisho waxaa uu ku dilay mid ka mid ah Dhalinyarada ku shaqaysata Mooto Bajaajta, waxaana dilku uu ka dhacay degmada Hodon ee Gobalkani Banaadir.

Dilka ayaa si gaar ah uga dhacay Xaafadda Soonakey ee Degmada Hodan, waxaana wararku sheegayaan in Marxuumka la dilay uu waddada dhinaceeda ka qaaday Askariga, balse markii ay marayeen Soonakeey ayuu Rasaas ku furay Wiilkii Moota Bajaajlaha ahaa, iaydoo uu goobta ku geeriyyoday marxuumku.

Warar kala duwan ayaa waxaa ay kasoo baxayaan sababta uu Askariga u dilay wadaha Mooto Bajaajka, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Askariga uu ahaa mid isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya.

Ehellada Darawalka Mooto Bajaajka ee la dilay ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, iyaga oo Goobta ka qaaday Meydka Marxuumka , kaas oo la geeyay qeybta Meydka ee Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Daraawalka la dilay ayaa la sheegay in uu ahaa Aabe laba Xaas leh, sidoo kalena mararka qaar ka Shaqeyn jiray Dukaan uu ku leeyahay Xaafada Soonakeey.