Muqdisho-Ayaamaha-Askari ka tirsan Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa xalay Magaaladda muqdisho ku dilay Wiil saaxiibkiisa ahaa.

Dilka oo ka dhacay xaafadda Kaawa Godey ee dhanka degmadaasi ayaa lagu soo warramayaa in loo geystay mid ka mid ahaa dhalinyarada deegaanka.

Dilka ayaa la sheegay in uu u dhacay si lama filaan ah kadib markii uu gadaal kaga yimid askariga oo la sheegay inay saaxibo ahaayeen, kadibna uu isku duubay, taas oo keentay in askariga uu mar qura rasaas ku furo, islamarkaana ay sababtay in marxuumka isla meesha uu ku dhinto.

Marxuumka ayaa magaciisa lagu soo gaabiyey Munasar waxaana uu ahaa Ganacsade, wuxuuna maktabad ku lahaa Xaafada Kaawo gudey ee degmada Dharkeynley.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ay laamaha amniga iyo maamulka degmada Dharkenley ka soo saareen dhacdadaasi.