Muqdisho-Ayaamaha-Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay Askartii ka dambeysay Dilkii loo geystay Taliyihii Ciidanka Gorgor ee Kumaandooska Soomaaliya oo gelinkii dambe ee shalay lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in Ciidanka amniga gacanta ay ku dhigeen Askartii ka dambeysay dilka Taliye Maxaadeey Saleebaan Eebakar iyo qaar kamid ah Ilaaladiisa.

Askarta ayaa rasaas ku furtay gaari uu saarnaa taliyaha Ciidanka Gorgor, waxaana uu u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray rasaasta lagu furay.

Zakiya oo War qoraal ah soo saartay ayaa waxaa ay ku sheegtay in gacanta lagu dhigay dhamaan Ciidankii ku sugnaa barta Koontarool ee uu ka dhacay falkii Israsaaseynta ahaa,isla markaana haatan uu ku socdaan baaritaano kala duwan.

Taliye Maxaadeey ayaa soo noqday Ilaalada gaarka ah ee Madaxweynayaashi hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, sidoo kale waxaa uu ka mid ahaa saraakiishii dalka dibaddiisa waxbrashada u aaday.