ATMIS ku dhawaaqday in Ciidamada dowlada ay la wareegi karaan mas’uuliyadda amniga dalka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Taliyaha Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM Gen. Diomede Ndegeya oo xilka ka sii degaya ayaa sheegay in weerarrada ay wadaan ciidamada AMISOM iyo kuwa xoogga dalka ay tahay mid muujineysa sida ay u sii kordhayaan awoodaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA).

“Dadka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin nabad, sababtoo ah waxay soo mareen dhibaato aad u dheer. Waxaan ku faraxsanahay in laga bilaabo bishii Sebtembar in dowladda cusu & shacabka deegaanka ay gacmaha isku qabsadeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Waxaa hubaal ah in ay jirto rabitaan siyaasadeed oo looga hortagayo argagixisada Soomaaliya,” ayuu yiri Lt. Gen. Ndegeya, oo hadda soo gabagabeeyay socdaalkiisa shaqo kadib markii uu Soomaaliya yimid Bishii Ogoosto ee sanadkii 2020 si uu xilka ugu wareejiyo Gen. Tigabu Yilma oo u dhashay dalka Itoobiya.

Dhambaalkiisa sagootinta ah Gen. Ndegeya ayaa sheegay in awoodda ciidamada xoogga ee weerarrada, jabinta cadawga iyo inay qabsadaan ay tahay tilmaan muhiim ah oo muujinaysa in ay sii kordhayaan awood ay si buuxda u qaadi karaan mas’uuliyadda amniga qaranka iyo ilaalinta dalka iyo muwaadiniinta. .

Intii uu xilka hayay Lt. Gen. Ndegeya, Midowga Afrika iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dejiyeen qorshe ay ku dejiyeen hannaanka dib-u-habeynta howlgalka, kaasoo ay hoos imaanayaan qaar ka mid ah Saldhigyada hore ee Ciidamada sida Afgooye, Marin guwaay iyo deegaanno kale.

Wareejinta xarumahan ayaa qeyb ka ah fulinta si tartiib tartiib ah balse si joogta ah loogu wareejinayo mas’uuliyadaha amniga ee dowladda Soomaaliya sida uu dhigayo qorshaha kala guurka ah ee Soomaaliya, kaasi oo ah mid ay ku taageerayaan dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamka.

Taliyaha Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM Gen. Diomede Ndegeya ee xilka ka sii degaya ayaa bogaadiyay taageerada beesha caalamka, oo uu la sameeyay xiriir is-faham, oo ay u fidiyeen ciidamada Midowga Afrika ee dhanka dhaqaalaha iyo saadka.

Lt. Gen. Ndegeya ayaa sidoo kale xusay in mudadii uu xilka hayay ATMIS ay dhistay xarumo ay ku shaqeeyaan si ay ugu suurtagasho ATMIS iyo ciidamada amaanka Soomaaliya in ay qorsheeyaan howlgalada wadajirka ah iyo xoojinta talisyada iyo qaab dhismeedka maamulka.