Muqdisho-Ayaamaha-Jilaaga lagu magacaabo Godfrey Gao ayaa masraxa ku dhacay isagoo jilliin sameynaya. Wuxuu qeyb ka ahaa filim lagu soo bandhigayay dhaqamada Shiinaha.

Ninkan oo 35 sano jir ahaa waxaa lagu casuumay filimka taxanaha ah ee telefishinka ka baxa ee Chase Me, kaas oo kooxo ay ku tartamayaa.

Soosaarayaasha waxay sheegayaan in uu masraxa ku suuxay xilli uu koox ku dhex ordayay, wuxuuna ku dhintay isbitaalka.

Sannadkii 2011, Gao wuxuu ahaa ninkii ugu horreeyay ee Aasiya ka soo jeeda ee loo qaatay xayeysiimaha qaaliga ah.

Ka dib wuxuu ku biiray Hollywood, wuxuuna ka soo muuqday filimka Qalabka Geerida ee City of Bones kaas oo ah filim dagaal.

Sidoo kale, wuxuu caan ka noqday Shiinaha ka dib markii uu qeyb ka noqday filimka musalsalka ah ee xusuusashada Lichuan.

Ninkan ku barbaaray Canada wuxuu suuxay isagoo kaamerada hortaagan oo jilliinka ku guda jiray.

“Martideenii noogu sareysay, Godfrey si lama filaan ah ayuu u suuxay isagoo ordaya. Dhaqaatiirtii masraxa ku sugnayd waxay billaabeen in ay daweeyaan, si degdeg ah ayaana isbitaalka lagu geeyay,” waxaa sidaa sheegay maamulka Barnaamijka Chase Me oo warbixin soo saaray.

“Ka dib laba saacadood oo la isku deyayay in la badbaadiyo, ugu dambey isbitaalka wuxuu shaaciyay in si aan la fileyn uu wadnihiisa u istaagay uuna dhintay.”

Taageerayaashiisa ayaa baraha bulshada ku soo daabacaya sawirkiisa si ay u xasuustaan jilaagan.

Jilaaga u dhashay Australian, Remy Hii, oo ku soo caanbaxay filimka dagaalka ah ee Spider-Man: ayaa sheegay in aflaanta Aasiya aysan sidooda “sii ahaan karin, Gao la aantiis”.

Chase Me waa taxane tartan ah oo lagu jilo ka gudbidda caqabado badan, taas oo lagu tijaabiyo awoodda kooxaha loolamaya.

Mid ka mid ah musalsalka waxay dadka ku tartamayeen in ay ka boodaan meel sare ama xarig buuraley ku dul xiran.

Godfrey Gao attends The Mortal Instruments: City of Bones" Mexico City screening, 2013

Godfrey Gao poses at the red carpet during the opening night of the Time Capsule Exhibition by Louis Vuitton on 21 April 2017