Axmed Madoobe & Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo ka shirey dardar gelinta doorashooyinka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa xarunta madaxtooyada Jubbaland ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Faderaal, Muuse Geelle Yuusuf iyo xubno ka tirsan guddiga oo shalay gaaray Kismaayo si ay qayb oga noqdaan doorashada kuraasta aqalka hoose ee ku asteeysan Jubbaland.

Guddiga heer Faderaal waxaa booqashada ay ugu taveen Madaxweynaha Jubbaland ku wehlinayey Guddiga hirgalinta doorashooyinka Jubaland ee SEIT.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in habsami u socodka howlaha doorashooyinka ay rajo galinayso shacabka Soomaaliyeed loona baahan yahay in la dadajiyo.