Axmed Madoobe Iyo Saciid Deni Oo Maanta Kulamo Gaar Gaar Ah La Yeeshay James Swan

MUQDISHU-AYAAMAHA-Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa Maanta kulan la yeeshay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee James Swan.

Kulanka dhexmaray Madaxweyne Axmed Madoobe iyo James Swan ayaa waxaa looga wada hadlay inta uu socday Arrimaha doorashooyinka dalka oo ka muuqdo xiligaan cago-jiid farabadan iyo is qab-qabsi.

adaxweynaha Jubbaland ayaa Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ka dalbaday inay taageeraan dadaalada socda ee lagu doonayo in dalka ay ka qabsoonto doorasho xor ah, isla markaana noqoto mid lagu kalsoonaan karo oo loo dhan yahay.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa isna kulan Maanta la yeeshay Wakiilka Qaramada Midoobay James Swan, waxayna ka wada hadleen darar-gelinta doorashooyinka iyo Arrimaha deegaannada Puntland.

Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho, iyagoo u yimid ka qeyb galka Shirka Golaha Watadashiga Qaran ee uu ku baaqay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee lagu saxayo qalalaadka ka jira doorashada iyo dardar-gelinteeda.