Kismaayo-Ayaamaha-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatey agaasimayaasha wasaaradaha iyo gudoonka guddiga shaqada iyo shaqaalaha ee Dowlad goboleedka Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa si adag uga digey inay agaasimayaashu ku dhex milmaan siyaasadda dalka, maadaama aysan shaqadoodu ahayn siyaasad ee ay tahay oo kaliya inay adeegyada maamulka  gaarsiiyaan shacabka.

Agaasimayaasha ayaa mid mid uga warbixiyey waxqabadka wasaaradaha ay maamuulaan, sida ay u fulaan mashaariicda kusoo dhaca wasaaradaha iyo caqabadaha ay wajahaan xilliyada ay ku gudo jiraan daadejinta adeegyada bulshada.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ballan qaadey in caqabad kasta oo soo wajahda daadejinta adeegyada uu bixiyo maamulkiisa ay sidii loogu tala galay shacabka ugaari doonaan wax badana laga qaban doono caqabadaha haysta shacabka ku nool deegaanada uu ka arrimiyo maamulka Jubbaland.

Dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa xiligan waxaa u dhexeeya khilaaf xoog leh, kaas oo sababay in xlligaan uu kala shaki badan soo kala dhex galay xubnaha maamulka Jubbaland.