MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay hehsiiskii doorasho oo ay Muqdisho ku gaareen Madaxweyne farmaajo, Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in heshiiskaas uusan xeer aheyn, wuxuuna tilmaamay in uusan u baahneyn in la asixinyo ama la horgeeyo baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale xusay in go’aanada ka soo baxay shirkii Muqdisho kaliya lagu gaaray xalka ugu dambeeya ee lagu gali karo doorashada 20/21.

Axmed Madoobe waxaa uu sheegay in go’aanadii ay Madaxdu gaareen kaliya uu aha heshiis, balse aysan aheyn xeer, isaga oo u muuqday mid ka jawaabayay hadalkii Madaxweyne farmaajo ee ahaa in heshiiska doorashada la horgeyn doono Golaha Shacabka.

“ Waxaad ogaataan in heshiiskaas uusan xeer aheyn balse uu yahay xalka ugu dambeeya ee aan isla aragnay oo doorasho lagu geli karo, una baahneyn in la ansixiyo ayuu yiri” Axmed Madoobe.

Sidoo kale Axmed Madoobe waxaa uu sheegay in dalka uu ka xuroobi doono in qabiil wax lagu qeybsado,sida doorashada Xildhibaannada, isla markaana loo gudbi doono in hab degaan wax lagu soo doorto.

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa horey u sheegay in heshiiska doorashooyinka la hor geyn doono Golaha Shacabka, si ay uga doodaan, una meel-mariyaan heshiiskaas oo saldhig u ah doorashada soo socota.