DH/MAREEB-AYAAMAHA-Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa Khudbad Qayim ah ka jeediyey shirka Dhuusa-Mareeb, wuxuu ka hadlay arrimaha doorashooyinka.

“Waxaa hubaal ah oo aan meel looga wareego laheyn markii la dhisay iyo markii ka dambeysay laga hadlayay hal qof iyo hal cod, wana hagima qofka Soomaliyeed ku fakarayo, haddana waaqaca dalkeena ku jiro, waan gaari weynay aan sidaan yeelno, “Sidee xeero loo xagtaa Ilkana ku nabadgalaan” 2016-kii markii laga hadlayay waxaa culeyska la saarayay in doorasho qof iyo cod ah ay dhacdo, haddana wey socon karri weyday, xaaladdii dalka ayaana keentay, waxaana rajeynayaa marka arrinta doorashooyinka soo socda 2020-2021 in la wada tashado, dawlad gobaleedyadu waa qaab-dhismeed katirsan System-ka Federaalka ee dalka, waxaa kaloo wehlisa DFS masuuliyiintooda iyo Dawlad gobaleedyada talada ka dhaxaysa oo u baahan qaraarada siyaasiga ah in ay noqdaan mid laga wada tashado, layskuna yimaado”.