Muqdisho-Ayaamaha-Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa ogaaladay in Ciidanka Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Kuwa Maraykanka ay Saldhig Ka Sameystaan Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo.

Warkaan ayaa waxaa uu soo baxaa kadib markii safiirka maraykanka Donal Yamamoto iyo taliyaha uga sareeya ciidamada Maraykanka ee joogo qaarada Afica ee loo yaqaano AFRICOM ay kulan la qaateen Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (MAdoobe).

Kulankaas ayaa laysku raacay in ciidamada qaranka ee SNA iyo Ciidamada Maraykanka ay fariisin ka sameystaan garoonka diyaaradaha ee kismaayo, halkaasna uu ka billowdo howl galka ka dhanka ah ee Al-shabaab ee goboladda jubooyinka iyo gGedo looga Xuraynayo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in talaabadaasi ay fursad u tahay si ay u qabsato Kismaayo.

Qaar kamid ah Masuuliyinta Maamulka Jubaland ayaa u xaqiijiyey Warbaahinta Ayaamaha in Axmed Madoobe iyo Safiirka Soomaaliya ee Maraykanka Ka ogolaaday in ciidankaasi oo wadajir ah lageeyo garoonka Magaalada Kismaayo.

Garoonka Kismaayo waxaa hada Ku sugan ciidamada Maamulka Jubaland iyo ciidamada Kenya ee katirsan howlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM.

Waxaa sidookale la sheegayaa in Ciidamada ugu horeeyo ee dowladda Federaalka ayb tagi doonaan Dabayaaqada Bishan kuwa maraykankana ay horay u joogeen.

Waxaa sidookale lasoo warinayaa in howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab looga saarayo Gobolada jubooyinka iyo Gedo ay bilaaban doonaan dabayaaqada bishan islamarkaana dowladda Fedraalka soomaaliya iyo Maraykanka ay iskaashan doonaan howlgalka lagu wiiqayo dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Tan iyo markii la doortay Axmed Madoobe Bishii Agoosto ee Sanadkii hore waxaa soo kordhaya Cadaadis ka imaanaya Dowladda Federaalka soomaaliya iyo beesha Caalamka Axmed maxamed islaam doorashadiisa oo dowladda soomaaliya ay ku tilmaantay mid xaaraan ah, waxaana u dambeeyey waraysi madaxweynaha soomaaliya uu siiyey tvga Universal wuxuuna sheegay in Maxamed islaam madoobe uu sifo sharci daro ah ku joogo deegaanada Maamul goboleedka jubaland.