Kismaayo-Ayaamah-Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa saaka u ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaasoo ah safarkiisa u horeeyay ee uu uga ambabaxo magaalada Kismaayo, kaddib doorashadii bishii Agosto ee dib loo doortay xilka Madaxweynaha Jubbaland.

Diyaarad gaar ah ayaa wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jubbaland saaka ka qaaday magaalada Kismaayo, iyagoo toos uga degaya magaalada Nairobi.

Ujeedka Safarka Kenya ee Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa la sheegay inuu la xiriiro xalinta khilaafka ka taagan maamulka Gobolka Gedo, isagoo halkaas kula kulami doona Madax ka tirsan dowladda Kenya.

Warar kale ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu Niarobi kula kulmi doono siyaasiyiinta ka soo jeedo gobolka Gedo oo uu ugu horreeyo guddoomiyaha gobolkaasi, si xal waara loogu helo arrimaha ka dhanka ah Jubbaland ee ka soo cusboonaaday halkaasi.

Safarkii Axmed Madoobe ayaa ah Safarkii ugu horeeyay ee ugu ambabaxay Magaalada Nairobi tan iyo markii dib loogu doortay xilka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland.

Dowladda Kenya ayaa si dhow u taageerto maamulka Axmed Madoobe, waxaana xafladdiisii caleema saarka ay u soo dirtay wafdi culus oo tegay Kismaayo, islamarkaana jabiyey xayiraad dhinaca hawada ah oo ay dowladda dhexe saartay duulimaadyada magaaladaaasi.