Kismaayo-(Ayaamaha)-Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Axmed iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Adan Cadde ee Muqdisho kusoo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Safarka Axmed Madoobe Muqdisho ku yimid ayaa la xiriirta dhamaystirka wadahadalada u dhaxeeyay dowladda federaalka Somalia iyo maamulka Jubbaland oo ka mid ah maamul-gobaleedyadii xiriirka u jaray dowladda Federaalka.

Axmed Madoobe ayaa horay waxa uu u sheegay in la xaliyay qeyb ka mid ah khilaafkii kala dhaxeeyay dowladda halka inta kalana lagu dhamaystirayo kulamo ka dhici doona Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.