Muqdisho-Ayaamaha-Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa waxa uu waayey Baasaboorkii Diblomaasiga Ee Dibada uu ku aadi jiray.

Xog laga helay Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in Madaxda Jubbaland,Heer Wasiir iyo Mid Xildhibaan ay intaba waayeen Baasaboorka Diblomaasiga.

Sidaas oo Dawladda Soomaaliya waxay kala noqotay Baasaboorka Diblomaasiga Mas’uuliyiintii hore Ee Jubbaland.

Arintaan ayaa ah Xaniinyo Qabasho Cusub oo lagu sameenayo Xubnahaan,waxaana Dawladu ay hore usheegtay inay aqoonsaneyn Doorashadii Axmed Madoobe kusoo baxay 22 Agoosto 2019-kii.

Weli wax war ah kama soo bixin Madaxtooyada Jubbaland oo ay kaga hadlayaan Baasaboorka Diblomaasiga in lagala noqday Mas’uuliyiinta Dawlad Gobolleedkaasi