Axmed Madoobe” Waxaan Beesha Caalamka isla garanay in la dedejiyo doorashada”

KISMAAYO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa faah faahin ka bixiyau waxyaabihii ay ka wada hadleen Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo Maanta ay ku kulmeen Magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Wakiilada Beesha Caalamka ay siweyn u falan qeeyeen arrimaha doorashooyinka, isla markaana ay isla garteen in la dedejiyo doorashada.

Sidoo kale Axmed Madoobe waxaa uu sheegay in Wakiilada Beesha Caalamka ee uu horkacayay Wakiilka Waramada Midoobay ee Soomaaliya Jemis Swan ay ka wada hadleen in la ilaaliyo qoondada Haweenka ee Baarlamaanka Soomaaliya ay ku leeyihiinn.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in ay isla garteen in mar walba la qabto wada-hallada dowlad Goboleedyada iyo Beesha Caalamka, kaas oo looga hadlayo xaaladda uu marayo dalka.