KISMAAYO-AYAAMAHA-Barlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa maanta waxaa ay kulankoodii sagaalad ee kala fadhiga labaad ee gollaha ku yeesheen Magaalad kismaayo.

Ajandayaasha kulanka ayaa waxaa uu ahaa.

1-Mudo kordhin soo dhisada xukuumada dowlad goboleedka jubbaland.

2- Ilaalinta dastuurka dowlada federaalka soomaaliya.

3- kuraasta degaan doorashadooda la badalay oo ay gollaha ka horyimaadeen.

4- waxay sido kale golaha ka hadlayaan shirka amniga qaranka ee uu ku baaqay madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo bisha soo socto 5 ilaa 7 ka dhici doono muqdisho iyago gabi ahaanba qaadacay shirkaasi.

Ugu dambeyn Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ayaa madaxweynaha Jubbaland waxaa ay ugu dareen muddo 3 bil ah in uu kusoo dhiso golihiisa Wasiirada.