Wasiirka arrimaha dibadda dalka Kenya Moniko Juma ayaa lafilayaa in Maanta oo Talaado ah inay hortagto Baarlamaanka dalkaas si wax looga weeydiiyo waxyaabaha dhaliyey khilaafka siyaasadeed ee cusub oo u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Guddoomiyaha guddiga difaaca iyo arrimaha dibadda baarlamanka Kenya Katoo Meoo tito ayaa Warbaahinta u sheegay in sababta ay Wasiirka Arrimaha dibada ugu yeereen ay tahay in ay ogaadaan waxa dhaliyay khilaafka labada dal.

Xoga kale ee soo baxaya ayaa sheegayaan in Haweenyda wasiika Arrimaha dibada ka ah Kenya ee Monico Juma ay Soomaaliya imaan doonto si looga wada xaajoodo khilaafka labada dal taas oo dhalisay in Safiirkoodii ka joogay soomaaliya u yeertan sidoo kalena safiirkii Soomaaliya ee Kenya ku amraan in uu dalkiisa dib uga laabto.

Baarlamaanka Kenya oo qorshohoodu ahaa inay Maanta ka doodaan miisaaniyadda Dowladda ee Sanadkaan ayaa dib u dhigtay sababo la xiriira khilaafka Soomaaliya iyo Kenya,isla markaana ay u yeereen Wasiirka Arrimaha dibada dalkaas si uu uga hadlay waxyaabaha uga weyn ee keenay khilaafkan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Haweeneyda Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya ee lagu Magacaabo Monico Juma ayaa la rajaynayaa iney warbixin ka siiso Baarlamaanka dalkaas xaalada guud ee ku saabsan khilaafka labada dal ee salka ku haya shirkii 7-dii Bishaan kadhacay london ee lagu soo bandhigay Shidaalka ku jira Soomaaliya.