Muqdisho-Ayaamaha-Maanta oo Talaado ah ayaa qorsuhu ahaa in uu furmo kal-fadhiga 8aad ee Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed,kaas oo ahaa kulankii ugu dambeeyey,hayeeshee gebi ahaanba la joojiyey.

Wafdigaasi waxaa ka qeyb ahaa,Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka Jabuuti Maxamed Cali Xamud iyagoo qorshahoodii ay Baydhabo utegeen uu fashilmay.

Wararka la helayo ayaa waxa ay sheegayaan in sababaha ugu weyn ee kulanka u baaqday uu yahay inay socotay qorsho ah in mudada loo kordhiyo Golaha Wakiilada taasi oo keentay in la isku khilaafo sidaasina uu kulanka ku baaqday.

Waxay Xildhibaanada ku doodayeen inay Labo bil ama lixdan cisho  harsan tahay muddo xiloodkooda ayna suurta gal aheyn in kalfadhiga uu furmo.

Sidaa awgeed maanta waxa baaqday oo aan furmi Kalfadhigii golaha Wakiilada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Xildhibaannada waqtiga uu ka dhamaaday lagu wargeliyey inay tagaan deegaannada ay matalaan,isla markaana kalsooni ay kasoo raadsadaan si loo soo xulo Baarlamaanka Cusub ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Tan io shalay duhurnimadii markii wafdigaan ay gaareen Baydhabo waxay wadeen xasarada siyaasadeed ee ka dhalatay Xildhibaanada in la kala diro la diiday.

Berri ayaa waxaa la filayaa in Muqdisho uu ka furmo Kalfadhiga 6aad Ee golaha shacabka Soomaaliya,iyadoo laga cabsi qabo in uu baaqdo furiaankaasi.