Muqdisho-Ayaamaha-Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa wada mooshin culus oo ka dhan ah ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta Ururka Midowga Africa ee AMISOM.

Xildhibaanada ayaa diyaariyey mooshinkan oo u jeedkiisu yahay, sidii ciidamada Kenya looga saari lahaa dalka.

Waxa uu qorshuhu yahay in mooshinkani golaha la horgeeyo, marka uu furmo Kalfadhiga todobaad ee baarlamaanka Soomaaliy

Mooshinkan ayaa waxaa wada Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka careesan habdhaqanka dulmiga ku dhisan ee wado dowlada Kenya, waxa ayna Xildhibaanadan doonayaan in Kenya ciidankeeda kala baxdo gudaha Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa ayaa sheegay in Xildhibaano katirsan Baarlamaanka ay saxiixeen mooshinka ka dhanka ah dowlada Kenya, waxa uuna xusay in mooshinkaasi ay saxiixeen tiro badan oo Xildhibaano ku filan ah.

Kenya ayaa dhowr jeer qaaday tallaabo ka dhan ah Soomaaliya, waxaana sidoo kale ay farogelin ku heysaa arrimaha doorashada Madaxweynaha Jubbaland oo la filayo in beri ay ka dhacdo gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Kenya ayaa wado qorshe ay ku dooneyso in ay ku boobto biyaha iyo bariga Soomaaliya, waxa ayna Kenya sidoo kale faragalin ku heysaa arimaha Siyaasada Soomaaliya gaar ahaan doorashada hada ka socota Jubbaland.