Muqdisho-(Ayaamaha)-Wararka Naga soogaaraya Magaalada muqdisho ee caasimada somaliya Ayaa waxaa Lagu Soowaramayaa In Maanta markale Banaanbax ka hor-dhigeen Irida laga galo Madaxtooyada Soomaaliya qaar ka mid ah Ciidamadii hore ee  Naafada Qaranka ee ku naafoobey dagaalkii 1977 dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya.

Naafada banaan baxa dhigaysay ayaa ka cabanayay in mudo dhowr bil ah aan la siin wax mushaar ah sidoo kale aysan helin gunadii ay horey uga heli jirtay dowlada federaalka Soomaaliya.

Dadkan banaan baxa dhigayay ayaa xiray albaabka laga galo xarunta Madaxtooyada waxa ay sidoo kale fadhiisteen bartamaha laamiga hor mara Madaxtooyada iyaga oo diidayay in ay maraan gaadiidka ay wataan masuuliyiinta dowlada.

Todobaadyo ka hor ayaa Ciidamadii hore ee Naafada Qaranka waxa ay baanbax ka dhigeen Irida Hore ee laga galo Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ee Shimbiraale oo u dhow Hotelka SYL ee Magalada Muqdisho.

Banaan baxayaasha ayaa markii dambe goobta isaga tagay kadib markii lala hadlay, waana banaan baxii labaad ay maalmo gudahood ah ka hor sameeyeen albaabka Madaxtooyada dadkan ka cabanaya in aysan helin mushaarkooda .