Muqdisho-(Ayaamaha)-Afaafka hore ee Madaxtoouada Soomaaliya waxaa banaan bax ka dhigay qaar kamid ah Hooyooyinka dhalay Carruurta ay ka geeriyoodeen Ciidamada Booliiska Soomaaliya kuwaas oo loo yaqaano, Carruurta agoonta Booliiska.

Hooyooyinka cabanaya ayaa sheegaya in aysan dhowr bilood qaadan lacagtii ay xaqa u lahaayeen Carruurta agoonta Booliiska Soomaaliya, sidoo kalane looga baxay ballamo badan oo ay la galeyn DF-ka Soomaaliya.

Maamooyinka cabanayaa ayaa hor jiiftay Albaabka Madaxtooyada waxayna diidayn in Villa Somalia la galo ama laga soo baxo ilaa ay Dowladda Soomaaliya ka bixiso Xaquuqda Carruurta agoonta Booliiska Soomaaliya.