Cadaado-Ayaamaha-Boqolaal Shacabka ah iyo waxgaradka ku nool Magalada Cadaado ayaa Maanta waxaa ay dhigeen banaanbax looga soo horjeedo go’aankii uu dhawaan ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ka soconaya Magaalada Cadaado ee Gobalka Galgaduud,  kaasi oo ahaa  in doorashada iyo shirka dib u heshiisiinta Galmudug lagu qabanayo Magalada Dhuusamareeb.

Dibadbaxayasha oo isugu soo baxay Wadooyinka waaweyn ee Magaaladaas ayaa waxaa  ay qaarkood wataeen  boorar ay ku qoran yihiin Erayo ay ku diidan yihiin Go’aanka Ra’iisul Wasaaraha iyo sidoo kale Maqaamka Caasimadda.

Banaanbaxayaasha ayaa waxaa ay baaq u direen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaa ay ka dalbadeen inuu soo fara geliyo go’aankii uu ku dhawaaqay R/Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Arintan ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa kadib markii Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, uu  musaanada 1-luulyo ka sheegay in gogosha dib u heshiisiinta iyo doorashada Galmudug ay taallo Magaalada  Dhuusamareeb.