Baydhabo-Ayaamaha-Magaalada Baydhabo waxaa haatan ka socda Banaanbax ballaaran oo lagu taageerayo Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee Koonfur Galbeed.

Shacab farabadan oo isugu jira Haween, Caruur, Odayaal iyo dhalinyaro ayaa isugu soo baxay bartamaha Baydhabo, iyagoona banaanbaxooda ku taageeraya Xildhibaanada Koonfur Galbeed ee Khamiistii lasoo dhaafay lagu dhawaaqay.

Banaanbaxayaasha ayaa socod ku maraya waddooyinka waaweyn ee Baydhabo, iyagoona ku qeylinaya Erayo ay kusoo dhaweeynayan 95-ta Xildhibaan ee Koonfur Galbeed, waxaana banaanbaxa ka qeyb qaadanaya Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Baydhabo.

Inta badan Goobaha Ganacsiga ee Magaalada Baydhabo ayaa saaka xiran, waxaana badi dadka ay yihiin kuwo ka qeyb qaadayana Banaanbaxa ka socda Caasimadda KMG ah ee Koonfur Galbeed.