MUQDISHO-(AYAAMAHA)-Askari ka tirsan waaxda canshuur aruurinta Dowladda hoose ee Xamar ayaa degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ku dilay wiil mooto Bajaajle ahaa.

Askariga iyo wiilka la dilay ayaa la sheegayaa in uu muran soo kala dhex galay.

Dhinaca kale dhalinyarada ku shaqeysta mooto Bajaajta ayaa banaanbax ay uga soo horjeedaan falkaan ka dhigaya isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho.

Dilkaan ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay Xaafad ka tirsan degmadaas,isla markaana Askari ka tirsan Ciidanka dowlada uu u geystay Wiil dhalinyaro ah oo waday Mooto Bajaj.

Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa Meydka ka qaaday dad shacab ah  oo goobta xiligaas ka Agdhawaa,waxaana halkaasi ka baxsaday askarigii ka dambeeyay falkaas.

Askarta ka tirsan Ciidan dowladda ayaa inta badan Magaalada Muqdisho ku dila Dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta,mana jiro cid ka hadashay dilalkaas.