Bandow lagu soo rogay Magaalada Beledweyne iyo wararkii u dambeeyey

BELEDWEYME-AYAAMAHA-Magaalada Beledweyne ee xaruunta ganacsiga HirShabeele ayaa wararku waxaa ay sheegayaan in Magalaada lagu soo rogay bandow.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa waxaa uu Bandow ku soo Rogay magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, halkaas oo Maanta ay ka dhaceen banaanbaxyoooga soo horjeedo Maamulka Hir-Shabeelle.

” Si loo xaqiijiyo Amniga magaalada Beledweyne loogana hortago wax walbo oo khalqal helin karo amniga magaalada Beledweyne ayaan kuaoo rognay Bandowga” ayaa waxaa lagu yiri war ka soo baxay guddoomiyaha.beledwey

 

Cali Jeyte ayaa faray Hay’addaha Amaanka in la dhaqan geliyo lana xoojiyo Xasiloonida Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.