MUQDISHO-AYAAMAHA-Bandowgii lagu soo rogay qaar ka mid ah magaalooyiinka Mareykanka ayaa waxaa uu hor istaagi waayay dibadbaxayaasha ka careysan geeridii ninkii madowga ahaa George Floyd,.

Ninkan ayaa ku dhintay magaalada Minneapolis ka dib markii mid ka mid ah booliiska uu qoorta uga joogsaday.

Dibadbaxayaal dhigayay mudaaharaad si ammaan ah ku dhacay ayaa isugu soo baxay dhowr magaalo oo bandowga lagu soo rogay.

Balse waxaa sidoo kale jiray dhismooyiin la weeraray iyo dhac dukaamo loo gaystay.

Boqolaal qof ayay booliiska ka hortaga rabshadaha ku xireen magaalada Los Angeles.

Magaalada New York waxaa dab la qabadsiiyay 20 gawaarida booliiska ah.

Ninkii booliiska ee caddaanka ahaa ee qoorta kaga joogsaday Mr Floyd ayaa lagu wadaa in maalinta barito ah maxkamad la soo taago.

Waxaa lagu wadaa in lagu soo oogo dacwad ah in uu dil geystay.

Dibadbaxayaasha ayaa imika dalbanaya in sidoo kale la soo xiro saddexdii askari ee falka ku weheliyay akariga dilka loo haysto.

Balse meelaha qaar sida magaalada ay Soomaalida ku badan tahay ee Minneapolis waxay rabshaduhu isu badaleen qalalaaso.

Waxaa la dhacay oo la jabsaday dukaamo iyo xarumo klae oo ganacsi oo ku yaalla magaaladaasi.

Barasaabka gobolkaasi ayaa waxaa uu cambaareeyay dhaca iyo boobka ay ku kaceen qaar ka mid ah dibadbaxayaasha.