Weeraryahanka reer Portugal iyo kooxda Benfica João Félix ayaa qarsan kari waayay jaceylka uu u qabo weeraryahanka Juventus ee Cristiano Ronaldo.

João Félix ayaa lagu tiriyaa xidigaha da’ayarta ah ee xiligan ugu fiican kubada cagta ee xiligan, wuxuuna qaab ciyaareedkiisa fiican uu soo jiitay dhamaan kooxaha waaweyn ee Yurub, kuwaasoo wada doonaya inay sameeyaan saxiixiisa.

Balse 19 jirkan ayaa wuxuu si cad u sheegay sida uu u xiiseenayo ka garab ciyaarista xidiga ay isku dalk kasoo wada jeedaan ee Cristiano Ronaldo wuxuuna yiri:

“Ma jirto cid aanan xiiso u qabin inay ka garab ciyaarto Cristiano Ronaldo, waa halyeey dhab ah iyo ciyaaryahan weyn ay muhiim tahay in wax laga barto”.

“War iyo dhamaadkiisa, Cristiano Ronaldo waa kan ugu fiican, waana xidiga aan kaga daydo kubada cagta, wuxuu tusaalo fiican u yahay kubada cagta ee aduunka”.

Si kasyaba saxiixa laacibka kooxda Benfica ee João Félix ayaa waxaa lala xiriirinayaa kooxaha waaweyn ee ka dhisan qaarada Yurub sida Chelsea, Manchester City iyo Juventus.