Muqdisho-Ayaamaha-Deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa laga soo waramayaa inuu halkaas ka bilowday barakac ay samaynayaan qaar ka mid ah shacabka ku nool deegaankaas.

Mudooyinkii dambe ayaa waxaa la arkayey qoysas badan oo kasoo cararaya guryihii ay ka daganaayeen deegaanka Ceelasha Biyaha.

Wararku waxaa ay sheegayaan in ciidamo  Itoobiyaan ah ay xoogga kusoo galeen Magaalada Muqdisho.

Sababta keentay inay dadkaan ka barakacaan guryahooda, ayaa lagu sheegay kadib markii ay bateen weerarada ay Al-Shabaab xilliyada habeenkii ah kusoo qaadaan, halkaas oo maalmihii ugu dambeeyey noqday kuwa joogto ah.

Sidoo kale qoysaska barakacay ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay halkaasi madaafiic kusoo tuuraan xilliyada habeenkii ah markii ay weerarka soo qaadaan Al-Shabaab, taasoo argagax iyo cabsi ku abuurtay dadkii halkaas daganaa.

Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa qiyaas ahaan 15km u jira Magaalada Muqdisho oo ah Caasimadda Soomaaliya, waxaana Al-Shabaab laga saaray dhawr sano ah, balse weli waxaa muuqato awoodda iyo saameynta ay Al-Shabaab ku leeyihiin.