Beledweyne-Ayaamaha-Magaalada Baladwyene ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa wararka ka soo baxayaa waxaa ay sheegayaan in Xaafado ka tirsan Magaaladaas dad ku nool ay bilaabeen inay  barakacaan,kadib  fatahaad uu markale sameeyey Wabiga Shabeelle.

Wabiga Shabeelle ayaa markale bilaabey in uu ka fatahao Xaafado ka tirsan Magaalada Baladweyne gaar ahaan  Xaafada Kooshin,waxaana saakay Waaberigii hore roob xoogan uu ka da’ay Magaalada Baladweyne.

Dad ku sugan Baladweyne ayaa waxaa ay sheegeen in Wabiga uu keenay Biyo farabadan taas oo keentay in Wabiga qeybo kamid ah Xaafadaha Baladweyne uu ku fataho,waxaana dad dhawaan dib ugu soo laabtay ay bilaabeen inay barakacaan.

Deegaanka Ceel-Jaalle ee duleedka Baladweyne waxaa weli kusugan dad horay uga barakacay,kuwaas oo aan xaafadahooda dib ugu soo laaban casbi ay ka qabaan in markale Wabiga uu ka fataho.