Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay warsaxaafadeed ay kaga jawaabeyso tallaabadii ay Jimchii qaaday dawladda Kenya ee ay kula soo laabatay safiirkeeda Soomaaliya, halka kii Soomaaliyana ay dalkiisa u dirtey.

Dawladda Soomaaliyaayaa warsaxaafadeedka ay soo saartay ku sheegtay in ay u ballanqaadayso Kenya in aysan ku kicin falal dhinac keliya ah oo ku saabsan degaanka lagu muransan yahay ilaa inta maxkamadda Hague ee ay dacwadda muranku ka socoto ay go-aan ka gaareyso .

Hadaba, Jawaabta dowladdu bixisay maxey ka tari kartaa dejinta xiisaddan labada wadan ka oogan? Maxeyse ka dhigantahay in Soomaaliya ay suuqgeyn u sameeyso hadiiba sida ay ku doodeyso ay runtahay in macluumaad shidaal oo aysan ku jirin lakabyo dhuleedka lagu muransanayahay? Su-aashaas iyo kuwo kale ayuu Jaamac Buule Jaamac weydiiyay Bare Sare Cusmaan Salaad Xirsi, oo maadada Jiyoolajiga ee dhulka iyo macdanta ku jirta ka dhiga Jaamacada Regina, Kanada.