Barlamaanka Hirshabeelle Oo Kordhiyay Muddo Xileedka Madaxweynaha Maamulka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Kalfadhiga 1aad Kulankiisa 10 ee Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle ayaa maanta kaqabsoomay Caasimada Hirshabelle ee jowhar.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu ahaa ansixinta muddo kordhin loo sameeynayo xilka Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, isla markaana waxaa kulankaas goobjoog ka ahaa in ka badan 65 Xildhibaan.

Kulanka oo uu shir Gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamanka Hirshabelle Dr. Cabdixakim Luqmaan xaaji Muxumed oo uu wehlinaayo Gudoomiye kuxigenka 2aad Mudane Mahad Hassan Osman ayaa ajandahiisu ahaa U codeynta wax kabadalka Mudo Xileedka Hay’adaha Dastuuriga Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maadama xildhibaanada wax kabadal ku sameeyeen Qodobada 33aad iyo 50aad ee Dastuurka Dowlad Goboledka Hirshabelle oo kahadlaaya Muddo Baarlamanka iyo Madaxtooyada.

Guddoomiye Cabdixakiin Luqmaan Maxamed oo kulanka shir guddoominayay ayaa ku dhawaaqay natiijada Codadkii la dhiibtay, isla markaana waxaa ogolaatay ansixinta muddo kordhinta 66 xildhibaan, waxaa diiday 3 Mudane, halna waa ka aamusay.

Muddo kordhinta ayaa kusoo aadeysa, iyadoo weli aan xal laga gaarin tabashooyinkii ka dhashay doorashadii bishii lasoo dhaafay ka dhacday Magaalada Jowhar, isla markaana banaanbaxyo looga horjeedo Cali guudlaawe ay ka dhaceen Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.