Muqdisho-Ayaamaha-Qaar ka mid ah siyaasiint ku howlanaa sii deysmada Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu-mansuur, ayaa sheegay in hadii 15 Cesho gudahood lagu soo deyn waayo Abuu-mansuur, ay dowladda qaadan doonto mas’uuliyadda wixii dhaca.

Siyaasiyiintan ka soo jeedo deegaanada Koonfur Galbeed ayaa mudo halgan ugu jiray qaabkii lagu sii deyn lahaa Wadaadka ka soo baxsaday Al-Shabaab ee Sheikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo Dowladda Soomaaliya u xiran.

Waxayna sii deyntiisa kala hadleen dhammaan madaxda ugu sareysa dalka sida madaxweynaha,Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya,balse arrintaas waxba kama soo naasa cadaan.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta gareen iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa balanqaad horay ay ugu sameeyeen Waxgaradka Koonfur Galbeed  oo ah sii deynta Mukhtaar Roobow ku fashilmay.

Abuu-mansuur oo laga soo xiray magaalada Baydhabo xilli olole doorasho uu ku jiray ayaa waxa uu Xeran yahay 150 maalmood iyadoo aan la soo taagin Maxkamad oo dambi ku hesha ama ku weysa.