Muqdisho-Ayaamaha-Safiirada caalamka ee Soomaaliya oo magaalada Nairobi kula kulmay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa u sheegay iney muhiim tahay in la dejiyo xiisada siyasadeed ee Soomaaliya,islamarkaana wixii jira miiska wada hadalka lagu dhammeeyo.

Dowladaha Ingiriiska iyo Sweden ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya iney hormuud ka noqoto siyaasad loo dhan yahay ka xasisha dalka,taas oo qeyb ay ka yihiin maamul goboleedyada dalka oo qaarkood khilaaf culus uu Dowladda dhexe kala dhaxeeyo.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa kulamada uu la qaadanaya Safiirada qaarkood waxaa ay noqdeen kuwo mira dhal noqday ka dib markii la isku soo dhoweeyay mucaaradka Jubbaland Axmed Madoobe oo sida wararka aan ku helnay heshiis hordhac ah lala gaaray C/naasir Seeraar oo si weyn u diidanaa maamulka Jubbaland.

Daneeyayasha arrimaha Soomaaliya ayaa mar kale Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay iney wada hadal la furaan maamul goboleedyada khilaafka uu kala dhaxeeyo si xal kama dambeys ah looga gaaro khilaafka jira.