Muqdisho-(Ayaamaha)-Beesha Caalamka ayaa qoraal ay maanta soo saartay shaaca uga qaadday inay si buuxda u taageereyso is-beddelada amni ee ay waddo dowladda federaalka Soomaaliya.

QM, Midowga Afrika, Midowga Yurub, UK, iyo Mareykanka ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan hindisaha uu ra’iisul wasaare Kheyre usoo bandhigay saaxiibada ee is-beddelada dhinaca amniga iyo qorshaha dowladda Soomaaliya ee ah inay sii waddo hormarinta amniga.
“Waxaa na dhiir-geliyey go’aanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ku fulineyso is-beddelada lagama maarmaanka ah ee amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda, waxaana hoosta ka xariiqeynaa taageeradeena shaqadan” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka.

Sidoo kale Beesha caalamka ayaa sheegtay in Kheyre ay mar kale kula kulmi doonaan magaalada Washington ee dalka Mareykanka, halkaasi oo bisha April lagu qabanayo Kulanka Soomaaliya ee hay’adaha IMF iyo Bankiga Adduunka.
“Waxaan sidoo kale sugaynaa go’aannada muhiimka ah ee ku saabsan sii wadidda taageerada Amisom, oo mas’uuliyadda amniag Soomaaliya ku wareejineysa ciidamada Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka.

Beesha caalamka ayaa ugu baaqay dalalka daneeya Soomaaliya inay taageeraan oo ay Soomaaliya kala shaqeeyaan sidii dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ay ugu guuleysan lahaayeen is-beddelada ay wadaan ayada oo loo marayo wada-hadallo loo dhan yahay.